Ixtiraamka aad adigu naftaada ixtiraamtid
Waxay kor uqaadaysaa sharaftaada
Ixtiraam naftaada,hadii aad ixtiraamtid naftaada dadka kale waa ku ixtiraami doonan hadii aanad is xushmayn waxa
Hubaal ah inaanay qayrkaa ku ixtiraami.
Adigu hadii aad isku aragto qof qiimo leh
Akhlaaqdaada hagaajiso meelaha liita anad
Tagin naftaada aad ka fogayso waxa
Dhibaya hoosna uridaya sharaftaada, kana
Dheerato dadka aan agjoogeedu waxba uso
Kordhinayn,waxa hubaal ah inay dadku ku
Ixtiraami doonan.
Inaad dadka qaar ka saartid Noloshaada
Macneheedu maaha inaad necebtahay iyaga,kaliya waa inaad ixtiraamayso naftada.
Ugu dambayn,dadku kuma siinayaan waxad adiguba naftaada siin wayday,kuma qadarinayaan hadii aanad adigu is
Xushmayn,ku sharfi maayan hadii aadan
Naftaada karaamadeda ilaalin.
Ogow adiga ayaa leh doorashada ah inaad
Noqoto qof la ixtiraamo iyo inaad noqoto
Qof aan Laga xishoonin.
0 Comments